|
Gobolka Sool, Somaliland.
Gobolka Sool oo uu sameeyey Daaquudkii weynaa ee Afweyne si uu u qaybiyo beelaha deegaankaas, wuxu ka kooban yahay 4 degmo oo kala ah. Caynaba Laascaano
Xuddun
Taleex
|
|
Gobolka Sool
Gobolka Sool waa mid ku caan ah dhaqanka xoola dhaqashada. Degmada ugu qadiimsan uguna taariikh dheer deegaanka Sool waa magaalada Caynaba oo weligeedba laf-dhabar u ahayd dhaqanka reer guuraaga. Magaalada Caynaba oo Qawlaysatadii faqashtu baabi'isay waxa ay leedahay taariikh dheer iyadoo ah degmada ugu dadka iyo duunyada badan gobolka. Degmada Taleex waxay iyana caan ku ahayd iyadoo ay ahayd huraanhur ay dhufays ka dhigteen Qawlaysatadii Daraawiishta ee booli-quutayaasha ahayd. Degmada xuddun oo iyadu ah degmo siyaasadeed waxa Afweyne iyo Faqashtii dabadhilifka u ahayd u samaysteen si ay dhul uga soo goostaan deegaamo ayan lahayn. degmada, oo aanay ku jirin tuulada xuddun oo dhawr Cariish ka dhisan tahay, waa deegaan Isaaq oo hore uga tirsanaan jirey Gobolada Sanaag iyo Togdheer
|
|
|